Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimada ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo u-diyaargarowga saameynta Super El Niño, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda xoojinta isku-duwidda hay’adaha iyo bah-wadaagta ka shaqeynaya ka-hortagga iyo maaraynta khataraha fatahaadaha.
Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la dardar-geliyo diyaarinta iyo gaarsiinta taageerada gargaarka dadka nugul ee ku nool goobaha halista ah, si loo xoojiyo u-diyaargarowga iyo yareynta saameynta fatahaadaha xilliga roobabka Deyrta.
Ugu Danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dhammaan hay’adaha iyo daneeyayaasha in si wadajir ah loogu diyaar-garoobo roobabka Deyrta iyo khataraha ka dhalan kara.











