Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta Mudane Bashiir Maxamed Maxamuud (Soofe) , Agaasimayaasha Waaxyaha Biyaha, Tamarta iyo Maaliyadda, iyo Madaxa Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee Wasaaradda, iyadoo uu kulanka sidoo kale ka qaybgalay Ganacsade Bashiir Baraarug
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga, horumarinta mashaariicda tamarta iyo biyaha, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Galmudug.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Wasaaradda iyo ganacsatada, si loo dhiirrigeliyo maalgashiga iyo horumarinta adeegyada tamarta iyo biyaha.
โ DHAMMAAD โ










