Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa Arbacadii soo saaray magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha kala hadlay xaalada dalku uu marayo iyo arrimaha doorashada madaxweynaha.
“Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulanka kaddib u hambaleeyay Guddoonka BJFS, isaga oo Eebbe uga baryay in xilka loo doortay uu ku asturo,” ayaa lagu yiri qoraal uu kulankaas ka soo saaray xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.
.