Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti .
Guddoomiyaha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita, ayaa inta uu joogo Jabuuti waxaa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka, iskaashiga labada Baarlamaan, qibrad wadaagga iyo tababarrada uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka dalkaas.