Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cirro oo war ka soo saaray doorashadii 11-ka Senator ee G/Waqooyi

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cirro oo war ka soo saaray doorashadii 11-ka Senator ee G/Waqooyi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka ee heer federaal ayaa soo saaray qoraal uu ku bogaadinayo hanaankii ay ku qabsoontay doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Muqdisho, labadii maalmood ee Arbacada iyo Khamiistii la soo dhaafay.

Maalintii Arbacada ee 29-kii September ayaa teendhada Afisyooni lagu doortay lix xubnood, halka Khamiis 30-kii September la doortay shan xubnood, waxaana sidaas lagu soo gabagabeeyey doorashada 11-ka Senator ee Somaliland ku meteleysa Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro oo ka hadlay hanaankii ku qabsoontay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa yiri, “Runtii doorarashooyinka Aqalka sare ee soo bilowday horaantii bisha Agoosto ayaa waxa ay soo martay duruufo adag oo isagu jirey qaar meel dhexaad ahaa iyo kuwo adkaa. Hadda oo ay doorashada Aqalka sare soo gaadhay heer gabogabo ah ayaan ugu baaqayaa in si dedgeg ah loo soo dhameystiro xubnaha sideedda ah ee hadhsan, si aan u gudagalno doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo runtii ka baaxad weyn Aqalka sare, islamarkaana ka hawl adag.”

Waxuu intaas ku sii daray, “Waxa loo baahanyahay in aad loo adkeeyo meelmarinta heshiisyadii la gaadhay iyada oo marwalba ay tahay in la xusuusnaado danta umadda Soomaaliyeed iyo wadajirkeeda inuu ku xiranyahay doorasho xalaal ah oo hufan.”

Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Next Post

RW Rooble oo baaq ka soo saaray xaaladda kacsan ee Galmudug

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

RW Rooble oo baaq ka soo saaray xaaladda kacsan ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In