Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.
Wafdigaas waxaa Madaxweyne Qoor Qoor ku wehliyey Senatorro iyo Xildhibaano heer federaal ah oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Kulamo u dhaxeeya madaxda Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale ee ka tirsan dowladda federaalka ee galabta gaaray Dhuusamareeb ayaa caawa ka socda magaalada.