Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Kulankaan oo ay goob-joog ka ahaayeen, u qaabilsanaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ee dhinaca Africa, Safiir Kuxigeenka Sweden, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn waxa uu ugu Mahadceliyay Dowlada Sweden Taageerida ay la garab taagan tahay Soomaaliya, Asigoona dhinaca kale ugu warbixiyay Horumarada ka socda Caasimada Soomaaliya, Arrimaha Barakacayaasha, Shaqo abuurka Dhalinyarada iyo Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca horumarinta iyo Adeegyada Bulshada.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Horumarada muuqda ee ka socda Caasimada, Asigoona ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir Howlaha dib-u-dhis iyo midka adeegyada Bulsho ee ka socda Gobolka Banaadir. Waxaana uu Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh balan qaaday in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana ay ka taageeri doonaan dhinacyada horumarinta, dib-u-dhiska iyo Adeegyada Bulshada.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa waxa uu Wasiirka Guddoon siiyay hadiyado isugu jiro Shahaado Sharaf iyo Dharka Hidaha & Dhaqanka Soomaaliya.

Tags: Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro
Previous Post

Akhriso khudbaddii Madaxweynaha ee xeritaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Next Post

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In