Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Francesca Di Mauro, waxaana ugu horreyn safiirka ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka faahfaahin ka siisay howlaha xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna Golaha Shacabka ku bogaadisay howlaha la xiriira sameynta shuruucda saldhiga u ah dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan shuruucda xoojineysa horumarka dowladnimo ee Soomaaliya, arrimaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo sidii Midowga Yurub u xoojin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Related posts

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

February 15, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu mar walba la garab taaganyahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu Golaha Shacabka uu xooga saarayo islamarkaana uu ka shaqeynaayo sidii dastuurka loo qabyo tiri lahaa iyo sidii shacabka Soomaaliyeed awooda gacantooda loogu celin lahaa, si ay usoo doortaan hogaanka dalka.

Previous Post

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Next Post
Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

February 15, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In