Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari “Mas’uuliyadda Ammaanka Waa Waajib Saaran Muwaadin Kasta, Ma Ahan Kaliya Ciidammada “

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed ee ay ehelladooda ku wax yeeloobeen qaraxyada ay argigixisadu ka geysatay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro shacabka ay ehelladooda ku geeriyoodeen weerarrada argigixisanimo ee ka dhacay magaalada Baydhabo runtii waa ficil sheydaan oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka waana ficil Alle ka fogaansho midka ugu xun in dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan la laayo oo dhiigooda la daadiyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

“Marka la eego ficilladii ugu dambeeyey ee ay argigixisada ka sameeyaan Soomaaliya sida magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa bartilmaameed looga dhigtay goobaha ay bulshadu isugu timaado waxaana ay sii cadeynayaan sida ay argigixisada uga go’antahay leynta umadda Soomaaliyeed saa daraadeed waxaa muwaadin walba oo Soomaaliyeed waajib ku ah iney Ciidammada ammaanka ku gacan siiyaan sugidda amniga,waana waajib muqadas ah oo saaran qof walba oo Soomaali ah” ayuu hadalkiisa raaciyey Guddoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa tilmaamay in argigixisada looga adkaan karo marka ay shacabka iyo Ciidammada ammaanku si wadajir ah u howlgallaan waxaana uu Alle ka baryey in umadda Soomaaliyeed uu waafajiyo guusha u muuqata.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha Hogaanka Gadiidka Booliska Soomaaliyeed  oo beledweyne socdaal shaqo ku tegay “SAWIRR”

Next Post
Taliyaha Hogaanka Gadiidka Booliska Soomaaliyeed  oo beledweyne socdaal shaqo ku tegay “SAWIRR”

Taliyaha Hogaanka Gadiidka Booliska Soomaaliyeed  oo beledweyne socdaal shaqo ku tegay “SAWIRR”

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In