Munaasabadaan oo ay ku qalin jabinayeen in kabadan 500 oo arday oo dhameysatay waxbarashada kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Somali International University (SIU) kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Jaamacada SIU ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Jamaacada SIU, Waalidiin, Macalimiinta wax ka dhiga jamacadda Aradyda wax ka barta Jaamacadda SIU iyo marti sharaf kale
Xasan Xuseen Gutaale oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa u mahad celiyay Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda SIU sida hagar la’aanta ah uga qeyb qaateen wax barashada Ardayda soomaaliyeed.
Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Arimaha Dibadda Dr. Andraw Okela oo ka socday Jaamacada Makareeri ee dalka Uganda ayaa ka hadlay muhiimada xiriirka labada jaamacadood ee Makareeri iyo SIU.
Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya (SIU), Shaafici Diiriye Cabdi ayaa ka warbixiyay tirada ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda iyo kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen.
Wuxuuna sheegay in tirada ardayda qalin jabisay ay gaarayaan in ka badan 500-Arday,kuwaasi oo dhameystay kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan ayaa ku booriyay ardayda ka qalin jabineysa jaamacadda in ay sii laba laabaan wax barashadooda isla markaana ku dadaalaan horumarka dalkooda hooyo
Gabagabadii munaasabada ayaa wax shahaadooyin la gudoonsiiyay Ardayda dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda.