Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo ka warbixiyay kulamadii Dhuusamareeb

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ay ku sugnaayeen 24 saac ee la soo dhaafay, magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ka warbixiyeen kulamadii ay la yeesheen mas’uuliyiinta Ahlusuna ee maamula deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dhuusa mareeb waxaa uu kulan la yeeshay qeybaha bulshada sida odayaasha iyo  maamulka Ahlusuna.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Kulamadaasi markii ay soo idlaadeen ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta Ahlusuna, Sheekh Maxamed Shaakir oo kamid ah madaxda Ahlusuna ayaa sheegay in dadaalada nabadeed uu wado guddoonka Baarlamaanka ay soo dhoweynayaan.

Sheekh Shaakir ayaa intaa raaciyay in xubnaha Baarlamaanka ay u soo jeediyeen in ay ka ogolaadaan in ay wixii dowladda federaalka ka tabanayaan ay ayagu kala hadli doonaan, isla markaana ka Ahlusuna ahaan ay soo jeedinkaasi ka gudoomeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa dhankiisa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu markasta u taagan yahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo Ahlusuna ugu mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu ogolaadeen codsigii ay u jeediyeen.

Intaas kadib guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada Dhuusamareeb si wanaagsan loogu soo sagootiyay.

 

Previous Post

Ganacsato Masar u dhashay oo kulan la yeeshay wasiirka ganacsiga-Sawirro

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In