Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay danjriaha Midowga Yurub

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay guddoonka baarlamanka oo lagu qabtay Jiddah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Midowga Yurub ee  Soomaaliya oo ay kawada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Midowga yurub iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha horumarineed ee midowga Yurub uu ku taageeraayo golaha shacabka.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa la kulmay sii hayahah danjirahaMasar ee Soomaaliya Tamer Safwat El-Mahdy oo ay ka wada hadleen xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Masar iyo sidoo kale xiriirka labada Baarlamaanka ee Soomaaliya iyo Masar ,waxaana sii hayahah safiirka Masar ee Soomaaliya uu uga mahad celiyay guddoomiyaha golaha soo dhoweyntiisa wanaagsan iyo sida ay uga go’an tahay kor u qaadida xiriira walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada wadan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo dhankiisa u mahad celiyay dowladda iyo Shacabka Masar ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 65-aad ee kasoo wareeegatay markii xornimada qaatay dalka Masar u diray shacabka Masar iyo dowladda gaar ahaan baarlamaanka dalkaasi.

Dhinaca kale, qaarka mid ah gudiyada golaha Shacabka ayaa maanta kulamo ay kaga hadleen  qorshe howleedkooda ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ,iyagoo gudiyada qaarkooda la kulmay Wasiirada wasaaradaha shaqadooda ku abaaran tahay.

Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi (Cali Jowhar) oo ah guddoomiyaha gudiga arimaha adeega bulshada ee golaha shacabka iyo guddoomiyaha gudiga difaaca ee golahaas Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay kulamadan qeyb ka yihiin howlaha isla xisaabtanka.

Guddoomiyaha gudiga ganacsiga iyo warshadaha ee golaha shacabka xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene-Beene, guddoomiyaha gudiga maaliya ,miisaaniyada iyo qorsheynta ee golaha shacabka xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan iyo  sidoo kale Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Taahir oo ah guddoomiyaha gudiga howlaha guud iyo tamarta ee golaha shacabka ayaa   sheegay in ay la kulmeen qaar kamid ah wasaaradaha shaqdooda ku abaaran tahay.

Guddiyada golaha shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo la yeelanayay wasaaradaha ay u xilsaaran yihiin oo ay kala hadlayeen howlaha horyaala iyo qorshahooda sanadaha soo socda.

 

Previous Post

Wefdi Seychelles  ka socday oo soo gaaray dalka-Sawirro

Next Post

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah-Sawirro

Next Post
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah-Sawirro

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah-Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In