Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabilay guddoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabay Bisha cas Turkiga Soomaliya Mudane Serifsimsek.
Kulankan ayaa ahaa isbarasho iyo sidii bisha cas ee Turkiga ay si dhaw ula shaqayn lehayd hay’adda SoDMA.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa aad uga mahadceliyay Bisha cas Turkiga taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo garab istaaga joogtada ah ee shacabka Turkiga.