Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda hay’adda, ayaa xarunta SoDMA ku qaabbilay Mudane Christian Saunders, Iskuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Ka Hortagga iyo Ilaalinta Xadgudubyada Jinsiga, oo booqasho shaqo ku jooga dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane George conway iyo Madaxa Xafiiska OCHA ee Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta ilaalinta iyo badqabka dadka nugul ee u baahan gargaarka bani’aadamnimo, iyo adkaynta dadaallada kahortagga iyo la-dagaallanka xadgudubyada jinsiga.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

February 11, 2026

Mudane Christian Saunders Iskuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Ka Hortagga iyo Ilaalinta Xadgudubyada Jinsiga ayaa bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee ay SoDMA ka hayso maaraynta xaaladaha bani’aadamnimo iyo ilaalinta dadka nugul, wuxuuna uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ay muujiyeen mas’uuliyiinta hay’adda.

Ugu danbeyn Guddoomiye Ku-xigeenka hay’adda SoDMA Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay in SoDMA ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta sharafka, karaamada iyo bedqabka muwaaddiniinta nugul ee ka faa’iideysta adeegyada hay’adda, isla markaana ay mudnaan gaar ah siiso hirgelinta habraacyo sugan oo lagu xaqiijinayo badbaadadooda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon is-weydaarsiga xiriirka Hay’adaha dowladda

February 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray aqoon isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa Habraaca...

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA oo qaabilay Christian Saunders

February 11, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda hay’adda, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Ciraaq

February 11, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhaweysay xubinimada Golaha Amaanka Midowga Afrika

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhaweysay xubinimada Golaha Amaanka Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa guusha taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku guulaysatay in loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In