Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad, ayaa deeq lacageed gaarsiiyey ilaa 48-qoys oo danyar ah, waxaana deeqdaasi ย u wakiishay Hayโadda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hayโadaha ka shaqeeya daryeelka bulshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar.
goobta deeqdan lacagta ah lagu qeybinayay ayaa waxaa ku sugnaa Caruur Agoon ah oo uu guddoomiye kuxiggeenka labaad ee Golaha Shacabka ka bixiyo qarashaadka waxbarashada iyo eheladooda, waxaana qaar ka mid ah dadkii deeqdan ka faaโideysaatay ay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka uga mahad celiyeen deeqdan iyo sida uu caruurtan u taageero,ย ย waxayna ka codsadeen in uu sii laba laabo.
Maxamed Maxamud Barre oo ku hadlayay magaca hayโadda Towqiif Foundation oo ka wakiil aheydย guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in deeqdan ay u qeybiyeen sidii loogu tala galay.























