Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcale iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa maanta Gacmahooda ku Nadafiiyey qeybo badan oo kamid ah waddooyinka degmada Shangaani ee Gobolka banaadir.
Salaadiinta Soomaliyeed ayaa wacad ku maray in ay garab taaganyihiin duqa magaalada, isla markaana ay hirgelinayaan dhankooda fikirkii ahaa in magaaladu ay noqoto mid nadiif ah
“Anaga hadaan nahay salaadiiinta iyo duubabka Soomaaliyeed waxaan maanta gacmaheena ku nadiifineynaa caasimadda Soomaaliya, waa arrin waajib nagu ah maadaama dhaqankii ay ka go’antahay in ay magaaladooda Nadiifiyaan, waxaan Isleenahay Soomaaliya waxay istaagi doontaa amni iyo hormar” ayuu yiri Imaaam Maxamed Yuusuf.
Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa salaadiinta, Ugaasyada, Imaamyada, Cuqaasha iyo Dhamaan Oday Dhaqameedyada Maanta ka damqaday dalkoooda uga Mahadceliyey sida ay isku xilqaameen, dhawaana ay arki doonaan Madaxda Qaranka oo dhankooda ka qeyb qaadata olalaha dib u soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd.