Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Hay’adda, kaas oo looga hadlo dardargalinta shaqada hay’adda iyo waxyabaha u qabsooma todobaad walba, waxaana ka soo qeybgalay Madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda ,Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo La taliyayaasha.
Shirka ayaa looga dooday Howlaha guud ee Hay’adda SoDMA, halka ay mareeyso Xaaladda Magaalada Baladwayne, Sidoo kale Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garoowga Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada ee Soomaaliya #CHF2023 oo Hay’adda SoDMA markan ku qaban doonto Magaaladda Kismayo ee Maamul gobaleedka Jubbaland.