Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray wajiga koowaad ee Wadatashiga Istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray wajiga koowaad ee Wadatashiga Istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa maanta oo Arbaco ah ku soo xiray magaalada Muqdisho kulanka Wadatashiga Istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.

Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) oo socday muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb-galay madaxda qeybaha warfaafinta ee hay’adaha dowladdda Federaalka, gobolka Banaadir, Warbaahinta iyo qeybaha bulshada.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Kulanka ayaa intuu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dabooli lahaa baahida bulshada looguna gudbin lahaa farriimo wanaagsan oo mid ah , isku xirka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo helidda istaraatiijiyad mideysan oo lagu wajahayo habka warbaahinta iyo wacyi-gelinta dadweynaha, iyada oo xoogga la saarayo la dagaallanka khawaarijta.

Wasiir ku-xigeenka oo ka hadlayay ayaa u mahad celiyay mashruuca TIS3/USAID oo Wasaaradda ka taageeraya sameynta istiraatiijiyadda, hay’adda Perspective Media oo farsamo ahaan kala caawinaysa iyo hawlwadeenada hay’adaha dowladda iyo qeybaha bulshada ee wadatashiga u socday maalmihii la soo dhaafay.

Wasiir Caddaala ayaa hoosta ka xariiqay in qorridda istiraatiijiyaddani muhiim u tahay isku soo dhowaashaha dowladda iyo dadweynaha, mideynta farriimaha dowladda iyo jiheynta horumarka dalka, ayna Wasaaradda sii gaarsiin doonto dhammaan hay’adaha muhiimka u ah wadatashida sida dowlad goboleedyada si taladooda ay ugu daraan.

Wajiga koowaad ee Wadatashiga waxaa xigaya kuwa kale oo dhacaya bilaha soo aaddan oo looga talo galinayo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala ee lagama maarmaanka u ah in la tashiyo lagala sameeyo istaraatiijiyaddani.

Previous Post

Guddoomiye Maxamuud oo shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay howlaha gurmadka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Sharma el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Sharma el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Sharma el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika "SAWIRRO"

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In