Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Muungaab oo dhagax dhigay mashruuc laami lagu saarayo Isgoysyada Sayidka iyo Baar Ubax “SAWIRRO + Muuqaal”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Muungaab oo dhagax dhigay mashruuc laami lagu saarayo Isgoysyada Sayidka iyo Baar Ubax “SAWIRRO + Muuqaal”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc laami lagu saarayo inta u dhexeysa isgoysyada Sayidka iyo Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Mashruucaan laamiga lagu saarayo jidka u dhexeysa labadaasi isgoys ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Benaadir iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha, si loo soo celiyo bilicdii ay caasimaddu lahayd, waxaana bar bar socotay bur burinta dhismayaasha sharci darada ah oo ku yaala wadada hareeraheeda.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 5, 2026
Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cali Siyaad oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dib u habeynta laamiyada ay qeyb lixaad leh ka qaadan karto in ay dib u soo laabato bilicdii magaaladu lahaan jirtay.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo furay mashruuca lagu saarayo laamiga ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka dalka iyo bilicda Muqdisho, isagoo ugu baaqay bulshada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

“Ma ahan laami la dayactirayo, ma ahan in shamiindo lagu shubayo meel god ah, sida aan ka baranay Walaalaha Turkiga ayaan u dhiseynaa laamigan oo aan jecelnahay inay ku soo baxaan qurux” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan mashruuca dalkaaga dhiso, si loo soo celiyo adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Mashaariic lagu horumarinayo dalkaaga dhiso ayaa ah mid uu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

DSCF1791

DSCF1793

DSCF1794

DSCF1799

DSCF1820

DSCF1815

DSCF1814

DSCF1804

DSCF1800

DSCF1823

DSCF1836

DSCF1854

DSCF1857

DSCF1864Sawir Qaade:- Jabiiba

Previous Post

Bulshada oo laga codsaday dib u dhiska Masjid ku yaalla Boondheere “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Dr Kadare

Next Post
Madaxweynaha oo Tacsi u direy Shacabka Sacuudiga

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Dr Kadare

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 5, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026
0

Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In