Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Muungaab oo madaxda Hay’adda TIKA kala hadlay sidii ay u dadajin lahayeen dhismaha Jidka Wadnaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 21, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo magaalada Ankara ee Dalka Turkiga kula kulmay mas’uuliyiinta hay’adda Dalka Turkiga laga leeyahay ee TIKA ka codsaday inay dadajiso dhismaha waddadaha Wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan uu guddoomiye Muungaab uu la qaatay madaxda Hay’adda TIKA ayaa waxaa looga hadlay dar dar galinta howlaha horumarineed ay Hay’adda TIKA  ka wado magaalada Muqdisho iyo sidii loo dar dargelin lahaa.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo badan oo ku saabsan dhismaha waddooyinka, gaar ahaan sidii loo bilaabi lahaa dhismaha wadada Wadnaha oo dhererkeedu gaarayo 10Km, isagoo ka codsaday inay la bilaabo dhismaha jidka Wadnaha.

Cali Maskan oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda TIKA ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Dalabka kaga yimid Maamulka Gobolka Benadir, isla markaana balan qaaday in Hay’addiisa ay xoojin doonto howlaha horumarineed oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho, iyagoo diyaar u ah inay gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa waddooyinka Caasimadda si dib loo soo celiyo bilicdii ay Muqdisho lahayd.

Hay’adda TIKA ayaa ka fulisay magaalada Muqdisho dhismo waddooyin dhererkooda gaarayo 23km oo uu horey u amray Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In