Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi udiray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaan Maxamuud Axmed Maxamed (Baaffo) oo hooyadiisa Maama Xaawo Ibraahim Ismaciil ku geeriyootay Magaalada Baydhabo.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryay marxuumadda inuu Janatul Firdowsa hoygeeda kayeelo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo iiman uu Alle ka siiyo