Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambe waxaa uu kulan la qaatay culima’udiinka Koonfur Galbeed oo kala hadlay arrimaha dib u heshiiniinta iyo sida culimadda ay uga qeyb qaadan karto nabadeynta deegaannada KGS.
Culima’udiinka Soomaaliyeed gaar ahan reer Koonfur Galbeed ayay Guddoomiyuhu warbixin ka siiyeen goobaha ay tageen iyo kulamada wadatashi ee ay la yeesheen siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed, waxayna Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku ammaaneen doorka muhiimka ah uu ka qaatay ilaalinta iyo midnimada shacabka reer Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa gunaanadka kulanka uga mahadceliyay sida laab furnaanta leh ee ay uga howlan yihiin wacyi-gelinta iyo baraarujinta shacabka Koonfur Galbeed ayuu ku ammaanay in kaalintooda lama ilaawaanka ah sii xoojiyaan kana shaqeeyaan hirgelinta iyo guul ka gaarida gogosha taala magalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.