Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyihii degmada Buur-hakaba oo is rasaaseyn ku dhintay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha buurhakabaAllaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay Maxamed Cali Maxamed Maamow ayaa maanta ku geeriyoodey iska hor imaad agagaarka garoonka Bilad-doogle ku dhexmartay ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo maleeshiyaadka  argigixsada ah  ee Al-Shabaab.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Sakariye Xuseen Axmed Qoryooleey ayaa sheegay in kolonyo gaadiid ah oo dhawaan degamada Buur-hakaba deeq raashin ah gaarsiiyay oo ku soo jeeday dhanka caasimadda in jidka loo galay, isla markaana Guddoomiyihii degmada Buur-hakaba uu ku geeriyooday is rasaaseynta.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

“Waxaan la soconay gaadiid kolonyo ah oo dhawaan raashin gaarsiisay degmada Buur-hakaba, aniga iyo wafdi ka tirsan Wasaaradda Arrimaah gudaha, guuddoomiyaha ayaan hal gaari la saarneyn, maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa jidka noo gashay, rasaastii la isdhaafsanayay ayuuna ku dhintay guddoomiyaha” ayuu yiri Sakariye.

Sakariye Xuseen Qoryooleey ayaa intaa ku daray in labo askari oo ka tirsan ciidanka ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, isagoo intaa ku daray qasaare isugu jirta dhaawac iyo dhimasho la gaarsiiyay kooxihii Shabaab ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo gaaray goobtii uu weerarka ka dhacay ayaa halkaas ka bilaabay howlgallo amni xaqiijin ah.

 

 

Previous Post

R.W Cabdiweli oo aqbalay go’aanka Golaha Baarlamaanka

Next Post

Shil ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Next Post

Shil ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In