Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyihii degmada Buur-hakaba oo is rasaaseyn ku dhintay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha buurhakabaAllaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay Maxamed Cali Maxamed Maamow ayaa maanta ku geeriyoodey iska hor imaad agagaarka garoonka Bilad-doogle ku dhexmartay ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo maleeshiyaadka  argigixsada ah  ee Al-Shabaab.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Sakariye Xuseen Axmed Qoryooleey ayaa sheegay in kolonyo gaadiid ah oo dhawaan degamada Buur-hakaba deeq raashin ah gaarsiiyay oo ku soo jeeday dhanka caasimadda in jidka loo galay, isla markaana Guddoomiyihii degmada Buur-hakaba uu ku geeriyooday is rasaaseynta.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

“Waxaan la soconay gaadiid kolonyo ah oo dhawaan raashin gaarsiisay degmada Buur-hakaba, aniga iyo wafdi ka tirsan Wasaaradda Arrimaah gudaha, guuddoomiyaha ayaan hal gaari la saarneyn, maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa jidka noo gashay, rasaastii la isdhaafsanayay ayuuna ku dhintay guddoomiyaha” ayuu yiri Sakariye.

Sakariye Xuseen Qoryooleey ayaa intaa ku daray in labo askari oo ka tirsan ciidanka ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, isagoo intaa ku daray qasaare isugu jirta dhaawac iyo dhimasho la gaarsiiyay kooxihii Shabaab ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo gaaray goobtii uu weerarka ka dhacay ayaa halkaas ka bilaabay howlgallo amni xaqiijin ah.

Previous Post

R.W Cabdiweli oo aqbalay go’aanka Golaha Baarlamaanka

Next Post

Shil ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Next Post

Shil ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In