Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo deeq lacageed ugu yaboobay guddiga gurmadka abaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga abaaraha Qaranka ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan, musharixiinta Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ganacsatada, kuwaasi oo ay ujeedoodu ay tahay in ay ka qeyb qaataan gurmadka Dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Kulankii u horeeyay ayaa xubnaha guddiga waxa ay la qaateen, Xildhibaan Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaan Idriis Cabdi Dhaqtar oo labaduba u sharaxan xilka Guddoomiyaha Barlamanka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Guddoomiyihii hore ee Barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku yaboohay guddiga 10,000 oo dollar halka Idriis Cabdi Dhaqtar uu bixiyay 1,000 Dollar oo loogu tala galay abaaraha.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in kaalintiisa uu ka qaato gurmadka, uuna rajeyno deeqdaan la gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.

Dhanka kale Xildhibaan Idriis Cabdi Dhaqtar ayaa ku booriyay Xildhibaanada kale in ay ka qeyb qaataan samafalka dadka la tacaalaya abaarta.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed oo xubin ka ah guddiga Abaaraha ayaa ku boorisay bulshada in laga wada qeyb qaato abaarta.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Culimada, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa dhankiisa ifiyay waxa ay shareecadda Islaamka ka qabto, bulshadana ku booriyay inay ka qeyb qaataan gurmad gaarsiinta dadka ay abaartu saameysay.

Wasiirkii hore ee Beeraha Cabdi Axmed Baafo oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa kaga mahad celiyay musharaxiinta Guddoomiyaha barlamaanka sida ay uga  jawaabeen baaqooda.

Tan iyo markii ay abaarta ku dhufatay gobolo badan oo ka tirsan Dalka, waxaa soo baxayay baaqyada ay jeedinayaan  qeybaha bulshada ee loogu gurmanayo Dadka ay abaaruhu saameeyeen.

,

Previous Post

Taliyaha Xoogga ee Ugaandha oo Safar ku tegay Baraawe

Next Post

Xildhibaanno ka qeyb galay dhallinyaro la barayo xirfado ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaanno ka qeyb galay dhallinyaro la barayo xirfado ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”

Xildhibaanno ka qeyb galay dhallinyaro la barayo xirfado ay ku shaqeystaan "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In