Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiye ku xigeenka koobaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo uu wehliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa maanta kormeeray xarunta guddiga hir gelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayagoo guddiga kala hadlay dhameystirka doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal AVV Cumar Dhageey oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa warbixin ka siiyey Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya heerarkii kala duwanaa ay soo marsiiyeen hirgelinta doorasho dadban iyo maareynta kuraaska harsan waxaana uu dhinaca kale guddoonka ku wargeliyey in ay soo diyaariyeen habraaca loo marayo bedelka kuraasta hadii Xildhibaan geeriyoodo ama is casillo kaasi oo ah in dib loo qabto doorashada kursigaas.

Related posts

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

March 4, 2026

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa ugu horeyn bogaadiyey shaqada guddigan ay soo qabteen, sidoo kalena waxa uu ammaanay iney soo raaciyeen habka loo marayo buuxinta kursiga la banneeyo waxaase uu ugu daray iney muhiim tahay in la cadeeyo in kuriga ay gabar ku fadhiday aan rag lagu bedeli karin in lagu muujiyo, sidoo kale waxa uu ka hadlay dhameytirka kuraasta muranka uu ka jiro ee Shanta ah oo uu xusay in ay biyo kama dhibcaan tahay in guddiga heer federaal howshaasi dhameystirkeeda ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyey guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer federaal iyo heer dowlad goboleed, baarlamaannada dowlad goboleedyada, ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM waxaana uu dhanka kale u jeediyey codsi guddiga doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo saameyn ku leh dhameystirka doorashooyinka dadban taasi oo ah arin saameyn ku leh doorashada Madaxweynaha dalka.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey ee ay si wadajir ah Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka oo dhowaan la doortay ay ula qaataan guddiga doorashooyinka dadban waxaana ay bilow u tahay howsha loo ig maday Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka.

MA1_7233 MA1_7261 MA1_7278 MA1_7289 (1) MA1_7295 MA1_7323

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda ee Jubbaland oo kulan la qaatay Soomaali ku nool Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

March 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loo sameeyay carruurta...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In