Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Sagootinayey Ciyaartooyda Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Sagootinayey Ciyaartooyda Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho xalay waxaa soo qaban qaabiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka, inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidammada Asluubta, dublumaasiyiin uu ka mid ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo kalmadii ugu horeysay jeedisay islamarkaana faah faahin ka bixisay Munaasabadda ayaa sheegtay in Munaasabadda uu soo qaban qaabiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad u jeedaduna tahay in la dhiiri geliyo ciyaartooyda kubadda cagta Puntland ee hantay koobkii maamul goboleedyada Dalka.

Related posts

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026

Xidhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,Guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Soomaaliya oo iyaguna Munaasabadda ka hadlay ayaa si isku mid ah u guubaabiyey guushaas ay gaareen ciyaartooyda Puntland ee hantay koobkii maamul goboleedyada.

Agaasimaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Tigaana oo Munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Munaasabadda sagootinta ah ee uu ciyaartooyda Puntland u sameeyey sidoo kalena madaxdii uu ugu horeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayuu uga mahad celiyey kasoo qeybgalkooda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac “Jangali” oo isaguna munaasabadda ka jeediyey hadal kooban ayaa bogaadiyey ciyaaraha ceynkan ah ee ay isku dhex galayaan gobollada Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa isaguna ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen Ciyaartooyda Puntland taasi oo uu ku tilmaamay iney tahay guul u soo hooyatay shacabka, golaha Wakiillada ay mataannaha yihiin iyo Xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Weli Gaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbadii ugu dambeysay ee munaasabadda jeediyey ayaa u hambalyeeyey dhammaanba kooxihii ka socday dowlad goboleedyada ee tartankii xamar lagu qabtay ka qeybgalay waxaana uu dhanka kale Guddooomiyaha Baarlamaanku bogaadiyey sii socoshada ciyaaraha ceynkan ah ayadoo ay gebi ahaanba gobollada Soomaaliya laga qeybgalinayo maadaama aanay ciyaaruhu xuduud laheyn.

Munaasabadda lagu sagootinayey Ciyaartooyda kooxda kubadda cagta Puntland oo sidoo kale aheyd casho sharaf ciyaartooyda loo sameeyey ayaa intii ay socotay waxaa suugaan kala duwan kusoo bandhigay fanaaniinta kooxda Shamsudiin Band.

IMG_2641 IMG_2674 IMG_2717 IMG_2724 IMG_2745 IMG_2824 IMG_2854 IMG_2859 IMG_2896 IMG_2904 IMG_2912 IMG_2927 IMG_2935

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Previous Post

Barlamanka dalka Tunisiya oo kalsoonida kala laabtay R/wasaaraha dalkaasi

Next Post

Ciidanka oo toogasho ku dilay kooxo weerer ku qaaday CID-da

Next Post
Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb

Ciidanka oo toogasho ku dilay kooxo weerer ku qaaday CID-da

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad...

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In