Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Golaha Shacabka BJFS oo baaq nabadeed u diray Shacabka iyo Waxgaradka Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Golaha Shacabka BJFS oo baaq nabadeed u diray Shacabka iyo Waxgaradka Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uusan xal u ahayn  khilaafka siyaasadeed, waxaana uu maamulka Puntland, oo ay ugu horreeyaan Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ku booriyay wax kasta oo keeni kara kala aragti duwanaansho siyaasadeed in lagu xaliyo miiska wada hadalka, iyadoo la dhowraayo nabadda isla-markaana aan la barakicin shacabka, isagoo Alle uga baryay intii ku dhimatay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo inta ku dhaawacantayna Eebbe caafimaad deg deg ah siiyo.

Dhina kale Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji samatar ayaa baaq nabadeed udirtay hogaanka iyo Shacabka Puntland. Iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Guddoomiye Sacdiyo ayaa Isimada, ganacsatada, ururada bulshada iyo siyaasiyiinta ugu baaqday in ay qaataan kaalintooda ku aaddan joojinta dagaalka, lagana shaqeeyo nabada iyo xasiloonida deegaanka.

 

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeybgashay shir lagu qabtay Geneva Switzerland

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay dagaalka Garoowe, baaqna u diray Waxgaradka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Shirguddoomiyay Kulan Looga Hadlayay Horumarinta Garsoorka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay dagaalka Garoowe, baaqna u diray Waxgaradka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In