Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka qaybgalay Layliga Caalamiga ah ee 1aad ee Multilateral Comprehensive International Simulation Exercise (CISE) 2026, kaas oo si online ah u qabatay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Pakistan (NDMA).
Ka-qaybgalka Soomaaliya ayaa ahaa mid taariikhi ah, maadaama ay noqotay markii ugu horreysay ee uu dalku ka qeybgalo layli caalami ah oo noocan ah. Layligan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga masiibooyinka, adkaynta isku-xirnaanta hay’adaha kala duwan iyo horumarinta hababka wada-shaqaynta ee ka-jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Layliga CISE 2026 waxaa ka qaybgalay hay’ado Qaran iyo kuwo caalami ah, ciidamo amni, Jaamacado iyo hay’ado ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaas oo ka kala socday dalal kala duwan. Ka-qaybgalka Hay’adda SoDMA ayaa fursad muhiim ah u ahaa helidda waayo-aragnimo iyo casharro wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka qaran ee maareynta masiibooyinka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda NDMA Pakistan martiqaadka iyo iskaashiga joogtada ah ee lagu xoojinayo adkaysiga iyo u-diyaargarowga dalalka, isagoo sidoo kale muujiyay sida ay Hay’adda SoDMA uga go’an tahay sii xoojinta ka-qaybgalka Soomaaliya ee madalaha caalamiga ah.











