Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudiga joogtada ah ee baarlamaanka oo go’aamiyay howlaha uu goluhu qaban doono todobaadkan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ahaa shirka 57aad ee Guddiga Joogtada ah ayaa qeybtiisa hore waxaa shir guddoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaana guddiga Joogtada ah ay si aad ah isula eegeen Ajandayaasha ugu muhiimsan ee kulammada Baarlamaanka ay noqon doonaan todobaadka soo socda iyo sida horutebin loo kala siin lahaa sharciyada horyaala Golaha Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isagu shir gudoominayey qeybtii dambe ee shirka todobaadlaha guddiga Joogtada ah ayaa waxaa markii uusoo gebageboobay kulanka la hadlay Warbaahinta Qaranka waxaana uu faah faahin ka bixiyey waxyaabihii looga hadlay shirka Guddiga Joogtada ah ee maanta.

Related posts

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026

Howlaha ugu horeeya ee kulammada baarlamaanka horyaala waxaa ka mid ah dhageysiga warbixinnada ay Xildhibaannadu kasoo diyaariyeen deegaannada ay metelaan oo Mudaneyaasha Baarlamaanku booqasho ku tageen intii lagu jiray fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka, dhageysiga warbixin la xiriirta wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda ay Baarlamaanka hor keenaan Kalfadhi kasta bilowgiisa.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo ka kooban Guddoonka Baarlamaanka,Guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Habdhowrka ayaa inta badan diyaariya ajandayaasha kulammada Baarlamaanka la horgeynayo waxaana sharciyada hada horyaala Baarlamaanka ee la doonayo in Golaha la horkeeno ka mid ah Diyaarinta Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka, Sameynta Sharciga Lagu dhisayo Guddiga Amniga Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argigixisada.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarumaha maamulka Puntland- SAWIRRO

Next Post

Dhageyso khudbaddii madaxweynuhu maanta ka jeediyay furitaanki shirka Garawe

Next Post
Dhageyso khudbaddii madaxweynuhu maanta ka jeediyay furitaanki shirka Garawe

Dhageyso khudbaddii madaxweynuhu maanta ka jeediyay furitaanki shirka Garawe

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In