Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo dalka Uganda ugu qayb galay kalfadhiga 5 aad ee barlamaanka dalkaasi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaana garoonka diyaaraha magaaladda Muqdisho ay ku soo dhaweyeen guddoomiye ku xigeenka 1 aad barlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar iyo xildhibaano.
Mudane Jawaari ayaa intii ku sugnaa Magaaladda Kampala waxaa uu kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha barlamaanka wadanka Uganda kaasi oo looga hadlayey adkeynta xariirka iskaashi ee ka dhexeeya labadda barlamaanka iyo dardargalinta heshiiska dhex maray labadda labada Baarlamaan ee ku aadanaa aqoon is waydaarsiga xildhibanadda labadda dal.
GuddoomiyeJawaari sidoo kale waxaa Uganda kula kulmay guddoomiyaha Barlamaanka dalka Rwaanda isagoo kala hadalay arrimo ku saabsan xariirka Barlamaanka labadda wadan ee Soomaaliya iyo Rwanda .
Guddomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaaa dhinaca kale kulan gaar ah waxaa uu madaxtooyadda dalka Uganda kula qaatay madaxwaynaha dalkaasi Yuweeri Musafani kaasi oo ay kaga wada hadleen Xalaaddda Siyaasadda dalka Soomaaliya horumaradda iminka Ka socda Soomaaliya .
Dalka Uganda ayaa ka mid ah dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana Soomaaliya iyo Uganda ka dhexeeya xariir wanaagsan oo wax wada qabsi uu saldhig u yahay.