Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu taageerayay maamulka cusub oo Baydhabo lagu qabtay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Weerar Kooxda UGUS ay Ku Qaadeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Beydhabo Oo Ciidamada ay Fashiliyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan lagu taageerayay maamulka cusub ee gobolka iyo kan degmada uu dhowaan u magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan dowladda goboleedka Koonfur galeed iyo xubno ka socday ururada bulshada rayid ee ka jir magaalada Byadhabo, iyadoo ay joob joog ahaayeen gudoomiyaha cusub ee gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo ahna duqa magaalada.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026

Gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Maxamed Isxaaq Ari-Case oo kamid ahaa mas’uuliyiintii kulan ka hadashay ayaa dadka ku dhaqan gobolka Baay ku booriyay in ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub isagoo sidoo kalena mamulka cusub ka codsaday in ay ku dadaalaan sidii maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab looga sifeyn lahaa guud ahaan gobolka.

“ Waxaan ugu baaqaya dhamaan umadda ku nool Koonfur galeed Soomaaliya in ay xooga saaraan la dagaalanka Al-shabaab, haddii kuwaas lala dagaalamo dalka nabad ayuu heleyaa”. ayuu yiri Ari-Case.

Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Koonfur galeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan “ C/raxmaan Sate” oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xubnaha cusub ee maamulka gobolka Baay looga baahanyahay in ay ku dadaalaan wax u qabashada umadda ay madaxda u yihiin isla markaana ayaga wada shaqeyn dhow yeeshaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay ciidanka Amniga oo xalay fashiliyay isku day maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dilaan haweenay u dhaq dhaqaaqda arimaha bulshada oo hoygeeda oo ku yaala xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo ay ku soo waarareen kooxdaasi.

Previous Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda in arrimaha Jira lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi

Next Post
Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda in arrimaha Jira lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi

Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda in arrimaha Jira lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In