Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka Usoo Xeray Kulan Howleed Kampala Uga Socday “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka Usoo Xeray Kulan Howleed Kampala Uga Socday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ugu soo
xeray Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka kulan howleed ay kusoo
gebagebeeyeen diyaarinta Sameynta Sharciga Xisbiyada siyaasadeed ee Dalka.

Kulan howleedkan oo mudo laba todobaad ah uga soconayey guddiga Axsaabta
ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya magaalada Kampala ee caasimadda
dalka Uganda ayaa ahaa dhameystirkii ugu dambeeyey ee diyaarinta sharciga
sameynta Axsaabta siyaasadeed ee dalka taasi oo qeyb ka ah tiirarka
sharuucda ugu waaweyn ee dalkan lagu gaarsiin karo doorasho xor ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Gudoomiyaha Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof
C/risaaq Cusmaan Jurile oo munaasabadda xeritaanka kulan howleedkan hadal
ka jeediyey ayaa tilmaamay in maanta guddiga Axsaabta ee  Baarlamaanka ay
sharaf weyn u tahay in Guddoonka Baarlamaanka ay ku wareejiyaan sharciga
Axsaabta dalka ee loo igmaday sameyntiisa waxaana uu dhanka kale Gudoomiye
Jurile faah faahin ka bixiyey marxaladihii kala gedisnaa ee uu sharcigan
sameyntiisa soo maray.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo jeediyey khudbaddiisa xeritaanka kulan
howleedkan ayaa ugu horeyn uga tacsiyadeeyey xubnaha guddiga Axsaabta ee
Baarlamaanka geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen
Baantuu oo ka mid ahaa xubnaha guddigan, mahad celin ayuuna u jeediyey
hay’adda Oslo Center oo kulan howleedkan fududeyneysay, Wasaaradaha
Arrimaha Gudaha,Dastuurka, Xafiiska Ra’isulwasaraha iyo safaaradda
Soomaaliyeed e dalka Uganda waxaana uu Gudoomiye Jawaari ka hadlay
muhiimadda Sharcigan iyo baahida ay shacbiga Soomaaliyeed u qabaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan jawaari oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in sharcigan qeyb
ka yahay dhaxalka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka dhaxli doonaan Golaha
Shacabka hada jira oo ah Madasha 9aad ee Baarlamaannadii Dalkeenna soo
maray waxuuna ka ballan qaaday ammaan iyo bogaadin kadib xubnaha guddiga
Axsaabta ee sharcigan soo diyaariyey in marka uu fumo Kalfadhiga 6aad ee
Baarlamaanka sharcigan la horgeyn doono Golaha.

Sharcigan waxa uu ku biirayaa sharciyo uu Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya diyaariyey, qaarkoodna  la ansixiyey kuwaasi oo xudun u ah
hiigsiga Baarlamaanka ee kala ah:- dib u eegista Dastuurka,Federaaleynta
iyo Dimuqraadiyeynta dalka, geesta kalena waxa uu kulan howleedkan gebo
gebo u yahay kulammo howleedyo,aqoon kororsiyo iyo shirar caalami ah oo
inta lagu guda jiray fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka uga soconayey
Kampala guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka iyo howlwadeennadooda.

—DHAMMAAD—

DSC_5177 DSC_5180DSC_5192 DSC_5193 DSC_5201

Previous Post

Wasiir ku xigeeenka caafimaadka oo xariga ka jaray Qaybta Dhimirka Isbitaalka Laansareeti oo dib u dhis lagu sameeeyay

Next Post

kulan lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo Dhuusa mareeb ka socda

Next Post
kulan lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo Dhuusa mareeb ka socda

kulan lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo Dhuusa mareeb ka socda

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In