Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka Usoo Xeray Kulan Howleed Kampala Uga Socday “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 8, 2015
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka Usoo Xeray Kulan Howleed Kampala Uga Socday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ugu soo
xeray Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka kulan howleed ay kusoo
gebagebeeyeen diyaarinta Sameynta Sharciga Xisbiyada siyaasadeed ee Dalka.

Kulan howleedkan oo mudo laba todobaad ah uga soconayey guddiga Axsaabta
ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya magaalada Kampala ee caasimadda
dalka Uganda ayaa ahaa dhameystirkii ugu dambeeyey ee diyaarinta sharciga
sameynta Axsaabta siyaasadeed ee dalka taasi oo qeyb ka ah tiirarka
sharuucda ugu waaweyn ee dalkan lagu gaarsiin karo doorasho xor ah.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Gudoomiyaha Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof
C/risaaq Cusmaan Jurile oo munaasabadda xeritaanka kulan howleedkan hadal
ka jeediyey ayaa tilmaamay in maanta guddiga Axsaabta ee  Baarlamaanka ay
sharaf weyn u tahay in Guddoonka Baarlamaanka ay ku wareejiyaan sharciga
Axsaabta dalka ee loo igmaday sameyntiisa waxaana uu dhanka kale Gudoomiye
Jurile faah faahin ka bixiyey marxaladihii kala gedisnaa ee uu sharcigan
sameyntiisa soo maray.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo jeediyey khudbaddiisa xeritaanka kulan
howleedkan ayaa ugu horeyn uga tacsiyadeeyey xubnaha guddiga Axsaabta ee
Baarlamaanka geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen
Baantuu oo ka mid ahaa xubnaha guddigan, mahad celin ayuuna u jeediyey
hay’adda Oslo Center oo kulan howleedkan fududeyneysay, Wasaaradaha
Arrimaha Gudaha,Dastuurka, Xafiiska Ra’isulwasaraha iyo safaaradda
Soomaaliyeed e dalka Uganda waxaana uu Gudoomiye Jawaari ka hadlay
muhiimadda Sharcigan iyo baahida ay shacbiga Soomaaliyeed u qabaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan jawaari oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in sharcigan qeyb
ka yahay dhaxalka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka dhaxli doonaan Golaha
Shacabka hada jira oo ah Madasha 9aad ee Baarlamaannadii Dalkeenna soo
maray waxuuna ka ballan qaaday ammaan iyo bogaadin kadib xubnaha guddiga
Axsaabta ee sharcigan soo diyaariyey in marka uu fumo Kalfadhiga 6aad ee
Baarlamaanka sharcigan la horgeyn doono Golaha.

Sharcigan waxa uu ku biirayaa sharciyo uu Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya diyaariyey, qaarkoodna  la ansixiyey kuwaasi oo xudun u ah
hiigsiga Baarlamaanka ee kala ah:- dib u eegista Dastuurka,Federaaleynta
iyo Dimuqraadiyeynta dalka, geesta kalena waxa uu kulan howleedkan gebo
gebo u yahay kulammo howleedyo,aqoon kororsiyo iyo shirar caalami ah oo
inta lagu guda jiray fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka uga soconayey
Kampala guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka iyo howlwadeennadooda.

—DHAMMAAD—

DSC_5177 DSC_5180DSC_5192 DSC_5193 DSC_5201

Previous Post

Wasiir ku xigeeenka caafimaadka oo xariga ka jaray Qaybta Dhimirka Isbitaalka Laansareeti oo dib u dhis lagu sameeeyay

Next Post

kulan lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo Dhuusa mareeb ka socda

Next Post
kulan lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo Dhuusa mareeb ka socda

kulan lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa oo Dhuusa mareeb ka socda

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In