Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatay bahda ciyaaraha dalka{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatay bahda ciyaaraha dalka{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa kulan la qaatay Bahda isboortiga dalka, ayadoo kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxa xiriirada, Xildhibaano iyo waliba qaar ka mid ah masuuliyiintii, macalimiintii, ciyaartoyiy iyo  Garsoorayaashii hore ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Cabdullahi Axmed Tarabi waxuuna aad uga sheekeeyey in GOS iyo xiriirada xubnaha ka ahiba ay horumarinta isboortiga dalka ka soo shaqaynayeen xilliyo aad u adag oo dalka uusan dowlad laheyn, si ay u abuuran is dhex gal bulsho, uga hortagaan in dhalinta Soomaaliyeed waqtigooda u isticmaalaan waxyaabo qaldan.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

“Waxaa hadda la joogaa xiligii ay dawladda Soomaaliyeed qaadan lahayd kaalinta uga aadan sare u qaadida isboortiga dalka isla markaana uga taageeri lahayd hay’adahan ku mashquulsan hawlahaasi sidii ay u gaari lahaayeen hadafkooda, waxaanan si sharaf iyo xushmad ku jirto kaaga codsanaynaa in aad codkayaga gaarsiiso dawladda Soomaaliyeed aadna si hagar la’aan ah uga qayb qaadataan horumarka isboortiga dalka maadaama aan ka baxnay xiligii kumeel gaarka” ayuu yiri guddoomiye Tarabi.

 

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ka hadlay kulankaan ayaa  mahad celin u soo jeediyay Guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Tarabi, wuxuuna wasiirku dhanka kale tilmaamay in dhallinyaradu yihiin tiirka nabadda wasaaraduna ay xooga saari doonto horumarinta cayaaraha dalka,, asagoo hoosta ka xariiqay in ay soo dhawaynayaan in dhamaan dadka ku hawlan hawlahan ay aragtidooda iyo fikirkooda is dhaafsadaan isma markaana ay meelmariyaan ayagoo midaysan.

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, waxuuna sheegay in isboortigu uu yahay laf dhabarka arimaha bulshada barlamaankuna uu dowr muhiim ah ka qaadanayo sidii loo horumarin lahaa.

“Waxaad haysataan wasiir dhalinyaro ah isla markaana xildhibaan ah diyaarna u ah in uu isboortiga horumariyo, waxaan aqoon wanaagsan u leeyahay isboortiga iyo kaalinta uu ka qaadan karo nabadaynta dalka waxaan idiin xaqiijinayaa in albaabka barlamanaka uu idiin furan yahay isla markaana ay qayb libaax ka qaadan doono hawlaha baaxadda leh ee aad haysaan” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka dalka mudane Maxamed Sh, Cusmaan Jawaari

IMG_1365 IMG_1409  IMG_1456 IMG_1458 IMG_1469 IMG_1480 IMG_1487 IMG_1499 IMG_1539 IMG_1540 IMG_1546 IMG_1587 IMG_1634

Previous Post

Koox hubeysan oo Kampala ku toogtay Dacwad-Ooge

Next Post

Shirka dib-u-heshiisiinta beeleha Hiiraan oo maalintii labaad galay

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Shirka dib-u-heshiisiinta beeleha Hiiraan oo maalintii labaad galay

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In