Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatay bahda ciyaaraha dalka{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 31, 2015
in Wararka
0
Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatay bahda ciyaaraha dalka{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa kulan la qaatay Bahda isboortiga dalka, ayadoo kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxa xiriirada, Xildhibaano iyo waliba qaar ka mid ah masuuliyiintii, macalimiintii, ciyaartoyiy iyo  Garsoorayaashii hore ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Cabdullahi Axmed Tarabi waxuuna aad uga sheekeeyey in GOS iyo xiriirada xubnaha ka ahiba ay horumarinta isboortiga dalka ka soo shaqaynayeen xilliyo aad u adag oo dalka uusan dowlad laheyn, si ay u abuuran is dhex gal bulsho, uga hortagaan in dhalinta Soomaaliyeed waqtigooda u isticmaalaan waxyaabo qaldan.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Waxaa hadda la joogaa xiligii ay dawladda Soomaaliyeed qaadan lahayd kaalinta uga aadan sare u qaadida isboortiga dalka isla markaana uga taageeri lahayd hay’adahan ku mashquulsan hawlahaasi sidii ay u gaari lahaayeen hadafkooda, waxaanan si sharaf iyo xushmad ku jirto kaaga codsanaynaa in aad codkayaga gaarsiiso dawladda Soomaaliyeed aadna si hagar la’aan ah uga qayb qaadataan horumarka isboortiga dalka maadaama aan ka baxnay xiligii kumeel gaarka” ayuu yiri guddoomiye Tarabi.

 

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ka hadlay kulankaan ayaa  mahad celin u soo jeediyay Guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Tarabi, wuxuuna wasiirku dhanka kale tilmaamay in dhallinyaradu yihiin tiirka nabadda wasaaraduna ay xooga saari doonto horumarinta cayaaraha dalka,, asagoo hoosta ka xariiqay in ay soo dhawaynayaan in dhamaan dadka ku hawlan hawlahan ay aragtidooda iyo fikirkooda is dhaafsadaan isma markaana ay meelmariyaan ayagoo midaysan.

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, waxuuna sheegay in isboortigu uu yahay laf dhabarka arimaha bulshada barlamaankuna uu dowr muhiim ah ka qaadanayo sidii loo horumarin lahaa.

“Waxaad haysataan wasiir dhalinyaro ah isla markaana xildhibaan ah diyaarna u ah in uu isboortiga horumariyo, waxaan aqoon wanaagsan u leeyahay isboortiga iyo kaalinta uu ka qaadan karo nabadaynta dalka waxaan idiin xaqiijinayaa in albaabka barlamanaka uu idiin furan yahay isla markaana ay qayb libaax ka qaadan doono hawlaha baaxadda leh ee aad haysaan” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka dalka mudane Maxamed Sh, Cusmaan Jawaari

IMG_1365 IMG_1409  IMG_1456 IMG_1458 IMG_1469 IMG_1480 IMG_1487 IMG_1499 IMG_1539 IMG_1540 IMG_1546 IMG_1587 IMG_1634

Previous Post

Koox hubeysan oo Kampala ku toogtay Dacwad-Ooge

Next Post

Shirka dib-u-heshiisiinta beeleha Hiiraan oo maalintii labaad galay

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Shirka dib-u-heshiisiinta beeleha Hiiraan oo maalintii labaad galay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In