Gudoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay In Dad dhawaan lagu Dilay Deegaan Hoos yimaada Maxaas ay ka Dambeeyeen Malayshiyaadka Al-shabaab.
Dadka la Dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo qof shacab ah iyadoo Weerarkaan ay ku Dhaawacmeen labo Qof oo shacab ah Gudoomiyaha ayaa Tilmaamay In Falkaani uu ahaa Gaadmo ay geesteen kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobolka.
Dhanka kale Muumin Maxmed Xalane Gudoomiyaha Degmada Maxaas oo hadalkiisa Siiwata ayaa soo Hadal qaaday Inay Didaal ugu jiraan Xal ka gaarista Dagaal beelo dhawaan ku dhexmaray Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan asaga oo xusay in ay waan waanta beelaha walaalaha ay mareyso meel wanaagsan waxa uuna rajo wanaagasan ka muujiyey xal u helida khilaafkaas