Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kormeeray xaaladda isbitaalka weyn ee Beledweyne iyo bukaannada kujira isbitaalka isagoo sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono baahiyaha ka jira isbitaalka, sidookale guddoomiyaha ayaa kulan looga hadlayay ka hortgga xanuunka Corona Virus oo saameyay dalalka Adduunka la qaatay dhaqaatiirta ka howlgasha magaalada Baladweyne.
Dhaqatiirta ayaa ugu horreeyn warbixin ka siiyay guddoomiyaha xaaladahii ugu dambeyey ee xanuunada iyo xaalada isbtaalka guud ee magaalada, intaasi kadidb guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa dhankiis sheegay in ay ka maamul ahaan garab taagayhiin dhaqaatiirta gobalka garabna ku siin doonaan faya dhowrka bulshada guud ahaan ku dhaqan gobalka.
Guddoomiyaha ayaasidookale sheegay in saraakiisha Caafimaadka looga baahan yahay in ay badiyaan waci galinta bulshada ee ku aaddan xanuun Covid-19
Kulankan dhexmaray dhaqatiirta magaalada Baladweyne iyo guddomiyaha gobalka Hiiraan ayaa salka ku haya kadib markii xaaladdii ugu horeysay ee xanuunka Corona Virus laga helay Hirshabeelle.