War qoraal ah oo kasoo xafiiska Gudoomiyaha Gobolka
Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xueen
“Muungaab ayaa lagu soo dhaweeyay, laguna taageeray magacaabista uu
madaxweyne Xasan Shikh maxamud u magacaabay ra’iisul wasaaraha
cusub, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in maamulka G/banaadir
ay si buuxda u soo dhaweynayo magacaabida Cumar C/shiid Cali
Sharmaarke oo bedelaya ra’iisul waasarihii kalsoonida Baarlamaanku
kala Laabtay
“Mudane raisul Wasaare Ku soo Dhawaaw Caasimad Amni ah oo ay dowlada Hoose Ay
Nadiifisay Dhamaan U shiday wixii Nalal ka dansanaay waxaan 17ka degmo
ee gobolka Banaadir Maamula Dhalinyaro aqoonyahaniin ah Ayuu Yiri
Jeneral Muungaab” .
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Somalia ayaa muddo 10-maalmood
gudahood ah kusoo magaacaabay ra’iisul wasaare, isagoo maanta xilkaas
u mgacaabay Cumar C/rashiid oo uu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo
wada-shaqeyntiisa muddada u harsan dowladda.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo isaguna
khudbad ka jeediyay xafladdii lagu magacaabay ayaa sheegay inuu
xukuumad tayo leh soo dhisayo, isagoo ku daray hadalkiisa inuu si
wanaagsan ula shaqeyn doono madaxweynaha Soomaaliya.