Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta kormeeray isbitalka guud ee Beledweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta kormeeray isbitalka guud ee Beledweyne

DCIM100MEDIA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa maanta kormeer ku tagay cisbitaalka guud ee Beledweyn, isagoo u kuurgalay  sida ay u socdaan  howlaha shaqo ee isbitaalka u hayo bulshada ku nool gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa ku soo wareegay qeeybaha kala duwan ee isbitaalku koobanyahay, isagoo warbixin ku saabsan xaaladda isbitaalka iyo baahida ka jirta ka dhageystay maamulaha isbitalka guud ee magaalada Beledweyne.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

C/fitaax Xasan Afrax gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kormeerkiisa kaddib sheegay in isbitalka ay ka jirto dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horreyso dawo la’aan, isagoo tilmaamay in kormeerkiisu ku qotomo sidii uu u ogaan lahaa baahida ka jirta cisbitaalkaasi.

“Manta waxaan soo booqday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo ah isbitaalka ugu weyn  gobollada dhexe, wax yaabahya keenay in aan soo booqdo ayaa waxaa ka mid ah, waxaa Isoo gaaray cabashooyin bulshada xageeda ka timiday,  muhiimadda guud waxaa waaye isbitaalka in isbitaalka ay ka jiraan dhibaatooyion badan,  daawo la’aan ayaa ka jirto isbitaalka, dhamaan waan soo firiyay,  farmashiyaha cusbitaalka  wax daawo ah ma yaalaan” ayuu yiri C/fitaax Xasan Afrax.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu wax ka qaban doono baahida isbitaalka hadba intii uu awoodo, wuxuuna ugu baaqay hey’adaha gargaarka iyo jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka iney caawiyaan isbitaalka si uu usii wato adeegyada caafimaad ee uu bulshada u hayo.

Tan iyo markii hey’adda MSF ay joojisay howlihii ay ku caawin jirtay isbitaalka guud ee Beledweyne ayaa waxaa isbitaalka soo wajahay dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horeyso dawo la’aan iyo shaqaalaha oo aan helin wax mushaaraad ah, iyadoo howlwadeenada isbitaalku ay ku sii shaqeynayaan ilaa iyo xilligaas si mutadawacnimo ah.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Ku Qaabilay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In