Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta kormeeray isbitalka guud ee Beledweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 7, 2015
in Wararka
0
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta kormeeray isbitalka guud ee Beledweyne

DCIM100MEDIA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa maanta kormeer ku tagay cisbitaalka guud ee Beledweyn, isagoo u kuurgalay  sida ay u socdaan  howlaha shaqo ee isbitaalka u hayo bulshada ku nool gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa ku soo wareegay qeeybaha kala duwan ee isbitaalku koobanyahay, isagoo warbixin ku saabsan xaaladda isbitaalka iyo baahida ka jirta ka dhageystay maamulaha isbitalka guud ee magaalada Beledweyne.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

C/fitaax Xasan Afrax gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kormeerkiisa kaddib sheegay in isbitalka ay ka jirto dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horreyso dawo la’aan, isagoo tilmaamay in kormeerkiisu ku qotomo sidii uu u ogaan lahaa baahida ka jirta cisbitaalkaasi.

“Manta waxaan soo booqday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo ah isbitaalka ugu weyn  gobollada dhexe, wax yaabahya keenay in aan soo booqdo ayaa waxaa ka mid ah, waxaa Isoo gaaray cabashooyin bulshada xageeda ka timiday,  muhiimadda guud waxaa waaye isbitaalka in isbitaalka ay ka jiraan dhibaatooyion badan,  daawo la’aan ayaa ka jirto isbitaalka, dhamaan waan soo firiyay,  farmashiyaha cusbitaalka  wax daawo ah ma yaalaan” ayuu yiri C/fitaax Xasan Afrax.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu wax ka qaban doono baahida isbitaalka hadba intii uu awoodo, wuxuuna ugu baaqay hey’adaha gargaarka iyo jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka iney caawiyaan isbitaalka si uu usii wato adeegyada caafimaad ee uu bulshada u hayo.

Tan iyo markii hey’adda MSF ay joojisay howlihii ay ku caawin jirtay isbitaalka guud ee Beledweyne ayaa waxaa isbitaalka soo wajahay dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horeyso dawo la’aan iyo shaqaalaha oo aan helin wax mushaaraad ah, iyadoo howlwadeenada isbitaalku ay ku sii shaqeynayaan ilaa iyo xilligaas si mutadawacnimo ah.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Ku Qaabilay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In