Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka oo Maanta lagu soo Dhaweeyay Magaalada Qardho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 1, 2015
in Wararka
0
Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka oo Maanta lagu soo Dhaweeyay Magaalada Qardho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar.

Mamulka Gobalka Karkaar, kan degmada Qardho iyo dadweyne kale ayaa duleedka magalada kaga hortagay Qaaddiid iyo wafdiga uu hoggaaminaya, halkaasoo uu markii danbe kulan kula qaaday haweenka Gobolka iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ugu horeyntii duqa magaalada Qardho Maxamed Siciid Hoggaama-laroor ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha Cawaale ee magaalada, ayna sidoo kale soo dhaweynayaan Olalaha la-dagalanka Qaadka oo uu soo gaarsiiyay Gobolka Karkaar.

Qaar ka mid ah haweenkii iyo Odayaashii kulanka soo dhaweynta ah kasoo qeyb galay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin wacyi galinta la-dagalanka Qaadka, waxeyna sidoo kale sheegeen inay muhiim tahay sidii jiilasha soo socda looga cirib tiri lahaa qaadka lagu soo daabulayo maalin kasta goboladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb galay soo dhawayntiisa, wuxuna sidoo kale u mahad celiyay mamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho oo qeyb weyn ka qaatay soo dhaweyntiisa.

Cawaale wuxuu sheegay inuu wado wacyi galin ka hor tageysa dhibaatooyinka Qaadka, wuxuuna Hooyooyinkii kulanka joogay ku tilmaamay inay yihiin laf-dhabarka Qoyska loona baahan yahay inay wacyi galinta kaalin muuqata ka qaataan.

Arrimaha uu Qaaddiid sheegay inay muhiim tahay in hada la qabto ayuu ku sheegay inay tahay in goobaha Qaadka lagu gado laga saaro magaalada oo loo sameeyo goob caan ah, si dadka magaalada ku nool ay uga nabad gallaan dhibaatooyinka Qaadka.

Kulan weyn ayaa caawa lagu qabanayaa Jaamacadda Bariga Africa Qardho, halkaasoo lagu soo bandhigayo khudbado la xariira Qaadka iyo saameynta uu dadka iyo dalka ku yeeshay.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

Previous Post

Arsenal oo Xajisatay Kaalinta Sedaxaad ee Horyaalka Ingiriiska “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Muungaab oo Nalal casri ah kuna shaqeeya cad cadeedda ka hirgeliyay Kaaraan “DAAWO+SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Muungaab oo Nalal casri ah kuna shaqeeya cad cadeedda ka hirgeliyay Kaaraan “DAAWO+SAWIRRO”

Guddoomiye Muungaab oo Nalal casri ah kuna shaqeeya cad cadeedda ka hirgeliyay Kaaraan “DAAWO+SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In