Wasiirka cadaalada Puntland Saalax Jaamac Xabiib oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wafdi ka socda maxkamadda sare oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Ibraahim Iidle Sulaymaan ay maanta booqandoonaan xarumaha Garsoorka iyo cadaalada puntilan si ay ugu kuurgalaan habka ay ushaqeeyaan hayadaha Garsoorka si dadka loo gaarsiiyo nidaam cadaaladeed oo hufan.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in garsoorka Puntland oo si wanaagsan ushaqeeyo uuna iskaashi la leeyahay dawlada dhexe ee soomaaliya isagoo tilmaamay inay ku guulaysteen inay xal ka gaaraan kisas la xariir kufsi oo ka dhacay deegaano ka tirsan maamulkaasi .
Hay’addaha Garsoor iyo cadaalada ayaa saldhig u ah jiritaanka qaranimo ee ay dawladi leedahay.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Wasiirka