Kulankaan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi kariin Gabeyre oo ay dhinacada ka fadhiyeen ku xigeenadiisa ayaa waxaa uu ka qabsoomay xarunta dhexe ee rugtu ku leedahay magaalada Muqdisho waxaana yeeshay kulankaan hugaanka cusub ee ganacsatada oo dhawaan la soo doortay.
Kulanka waxaa uu hugaanka ganacsatadu uga hadlay labo arin oo kala ah waxqabadka 100 ka maalin ee soo socota iyo doorka ganacsatada ee u gurmashadaha Dadka abaartu wax yeeleysay ee gudaha dalka ku dhibaateysan.
Xubnaha sare ee rugta isku raacay in shaqo culus ay hortaalo loona baahan yahay in ay qaataan doorka uga aadan bad baadinta dadka dhimanaya sidoo kale waxaa ay faah faahiyeen miraha ka soo baxay kulan wada jir ay ula yeesheen madaxweynaha iyo ra. Iisul wasaaraha dalka.
Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha qaranka Maxamuud Cabdi kariin Gabeyre ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsaha badan uga jawabayaan inta ay awoodaan dhibaatada jirta ee abaartu keentay isagoo baaq u jeediyay ganacsatada.