Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Jawaari oo shacabka ugu baaqay in ay isku kalsoonaadaan

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha barlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha  Barlamaanka  Federaalka Soomaaliya,ku simaha Ra’isal wasaaraha  ahna wasiirka cadaaladda mas’uulayiin kale oo socday labada gole dowladda,Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,taliyaasha ciidanka Asluubta iyo nabadsugida, xubna ka socda   maamulada ka jira dalka iyo  wakiilo ka socday  beesha calaamka  ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada furitaanka siminaarkan lagu baranayo   nabadda, horumarka iyo dib u heshiistiinta isla markaana ay soo qaban qabisay  Wasaaradda arimaha gudaha.

Cabdirashiid Maxamed Xidig wasiiru dowlaha wasaaradda  arimaha gudaha iyo federaalka  xukuumada Soomaaliya ayaa  ka warbixiyay ahmiyadda siminaarka  uu leeyahay iyo waxyaaabaha la filaayo in ay ka soo baxaan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“ Sadexda qodob oo ugu muhiimsan ayaa ah in la helo qaab dhismeed mideysan oo ku wajahan dib u heshiisiinta iyo wada xaajoodka bulshada si ay ugu fududaato wasaarada iyo maamulada horumarkan howshaasi” ayuu yiri Xidig.

Ku simaha Ra’isal Wasaaraha  ahna wasiirka  cadaaladda dowladda Soomaaliya  Cabdilaahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” ayaa ka qeybgalayaasha shirka iyo  mas’uuliyiinta  u jeediyay in dib u heshiisiinta iyo nabadda in door muuqada laga siiyo haweenka iyo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo ah hormuudka  bulshadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ku talin lahaa in mudnaanta la siiyo haweenka iyo dhalinyarada,laakiin dagaalada wax loo adeegsado waa ayaga si xal loo gaaro waa in laga qeybgeliyaa” ayuu yiri wasiirka cadaaladda.

Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka  Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bulshada Soomaaliyeed kugu baaqay in ay ka qeyb qaataan ka shaqeynta nabadda iyo dowladnimada.

“Shacabkan Soomaaliyeed Alle ka sokow waan ku kalsoonahay karti fiican buu leeyahay wax laguu diidan yahay mar jiraan ee walaalow adiga isku day ogoona kartidaada la soo bax qof kasta oo muwaadin ah waa in la siiyaa fursad” sidaa waxaa sheegayJawaari.

 

Previous Post

Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtay

Next Post

Dowladda Japan oo qalab ugu deeqday wasaaradda amniga gudaha-Sawirro

Next Post
Dowladda Japan oo qalab ugu deeqday wasaaradda amniga gudaha-Sawirro

Dowladda Japan oo qalab ugu deeqday wasaaradda amniga gudaha-Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In