Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtay

caqiil by caqiil
June 16, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ku dhawaaqay waqtiga shirka maamul usameynta gobolada dhexe furmayo iyo Caasimada maamulkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdigii uu hogaaminaayay oo dalka Koonfur Afrika ugu qeybgalay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa dalka Koonfur Afrika ka sokow ka qeybgalka shirka midowga Afrika,waxaa uu halkaasi kulan kula yeeshay madaxda dalalkooda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya isagoo ugu mahadceliyay taageerada dhanka amniga oo ay siiyeen Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulan balaaran la yeeshay jaalliyadda Soomaaliyeed oo key dhaqan dalka Koonfur Afrika kaas oo ka dhacay magaalada Johannesburg.

Maxamed Cali Mire oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi isla markaana ah ku simaha xilka safiirka oo kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha iyo mas’uuliyiintiintii la socotay waxaa uu u sheegay in jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ay yihiin dad aad u wanaagsan oo ah dad wax soo saar leh,isagoo xubnihii soo qaban qaabiyay kulanka aad u bogaadiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas kula hadlay jaalliyadda ayaa ugu warbixiyay xaaladda dalka uu iminka ku sugan yahay gaar ahaan arimaha ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dib u dhiska ka socday dalka guud ahaan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fikirka Al-shabaab uu yahay fikir ka yimid dibadda isla markaana uusan la heyd dhalasho gaar ah iyo xuduud uu ku egyahay loona baahan yahay in ay in la iska ilaaliyo.

Madaxweynaha ayaa jaalliyadda ka codsaday in ay ka qey qaataan gurmadka loo sameynaayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yeman oo ay dagaalo ka socdaan,waxaana uu tilmaamay in dalkaasi ay ku nool yihiin 260,000 oo key diiwaangashan Qaramada Midoobay tiro kale oo ku dhow 100,000 ay yihiin kuwo ku kala nool guud ahaan dalkaasi.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Soomaaliya sidoo kale sheegay in dhibaatada jaalliyadda Soomaaliyeed loogu geysto dalka Koonfur Afrika aysan aheyd mid ay ka dambeyso dowladda  Koonfur Afrika,balse Soomaaliya ay isku dayso in ay wax ka qabato arimahaasi.

 

Previous Post

Doorka Waalidka, Culimada iyo Oday dhaqameedyada Dhageyso

Next Post

Gudoomiye Jawaari oo shacabka ugu baaqay in ay isku kalsoonaadaan

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha barlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay

Gudoomiye Jawaari oo shacabka ugu baaqay in ay isku kalsoonaadaan

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In