Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolku yeesheeen{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolku yeesheeen{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kulankaan oo ahaa mid wada tashi ah ayaa waxaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana uu ujeedkiisu ahaa sidii ay wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo Hay.adaha ka shaqeeya Hormarinta Dhalinyarada waxaana ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Iimaan Nuur Iikar iyo Mas,uuliyiin kale.

kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyay Ee Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir uu la yeesho Hay.adaha qabailsan Hormarinta Dhalinta ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Maxamuud Makaraan oo sheegay in Muhiimada kulanka ay tahay is barasho iyo sidi ay si dhaw u wada shaqeyn lahaayeen Hay,adahaas iyo Ururka si dhalinyarada Hormarkooda looga shaqeeyo.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Runtii Muhiimad weyn ayay noo tahay in kulankaan oo ah kii ugu horeeyay ee aan iskugu imaano urur ahaan iyo hay,adaha qaabilsan dhalinyarada ee Caasimada ka jira waxaa muhiimadu tahay in aan marka hore kala warqaadano is barano waxaana rajeynayaa in wada shaqeyn buuxda ay na dhex mari doonto wax walbana ay fududaan doonaan markaas “ayuu yiri Makaraan.

Gudoomiye ku xigeeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca arimaha bulshada Mudane Iimaan Nuur Iikar oo ka hadlay kulanka wada tashiga ah ayaa waxaa uu la dar daarmay dhalinyarada ka qayb gashay kulankaas waxaana u sheegay in fursad weyn ay haystaan maanta loona baahan yahay in ay ka faa,iideestaan isagoo kula taliyya in ay isku tiirsanaadaan.

“waxaan idinkula dar daarmayaa maanta in aad ka faa,iideysataan fursada aad haystaan Dowladda federaalka ah waxay idinla diyaar tahay fursado istu xirnaada oo wada shaqeyn dhaw yeesha idinku ka hor inta aadnaan hay.adaha caalamiga ah u gudbin waan idinkula talinaa taas waxaad tihiin mustaqbalkii dalkaan barito in aad mideesnaataan waa waajib”ayuu yiri Mr Iikar.

_MG_9605 _MG_9606 _MG_9689 _MG_9737 _MG_9771 _MG_9778

 

Previous Post

Safiirka Turkiga oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Next Post

bulshada ku dhaqan gobolada dhexe oo soo dhaweysay booqashada madaxweynaha ee gobolka Galgaduud

Next Post
Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

bulshada ku dhaqan gobolada dhexe oo soo dhaweysay booqashada madaxweynaha ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In