Thursday, August 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Turkiga oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Safiirka Turkiga  oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka dowladda turkiga ee Somalia mudane Olgan Baker ayaa manta booqasho ku tegay xarunta wayn ee jaamacadda SIMAD. Safiirka oo hadal u jeediyay qaar ka mid ah ardayda jaamacadda SIMAD ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadeyso taageerada horumarineed iyo tan waxbarasho ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan horayba u wadnay taageero aan siineyso jaamacadaha Soomaaliyeed, anagoo ugu deeqnay kumputerro iyo qalab kale waana sii wadi doonnaa teegeeradas aan siineyno iskuulada iyo jaamacadaha. Fursadaha waxbarasho ee bilaashka ah waa mid muhiim noo ah waxaana jirta hay’ad dowli ah oo qaabilsan arrintan, hay’addaasi sanad kasta waxay bixisaa minxooyin, sand kasta waxay dowladda Turkigu waxbarasho siisaa shan boqol oo arday oo Soomaali ah”. ayuu yiri danjire Olgan isagoo su’aalo uga jawaabayay ardayda.

Related posts

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

August 5, 2026
Aqoon-is-weydaarsiga hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha oo la soo gabagabeeyay

Aqoon-is-weydaarsiga hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha oo la soo gabagabeeyay

August 5, 2026

Sidoo kale danjiruhu wuxuu sheegay in dowladda Turkigu ay mashaariic horumarineed oo badan ay ka waddo waddanka, kuwaas oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale sida dekadda iyo garoonka diyaaradaha iyo qaar kale oo xiriir la leh arrimaha gargaarka bani aadanimmo iyo dib u dhiska asagoo tilmaamay inay sii wadi doonaan mashaariicdaas. Danjire Olgan Baker ayaa kormeeray qaybaha jaamacadda waxa uuna booqday fasallo ay ardaydu dhiganayeen, isagoo kulan gaar ahna la qaatay maamulka jaamacadda.

Gudoomiyaha jaamacadda SIMAD Daahir Xassan Carab ayaa uga Mahad celiyay danjiraha, shaqada uu ka hayo waddanka isagoo metelaya shacabka iyo dowladda Turkiga, wuxuu si gaar ah u xusay taageerada ay siiyaan jaamacadaha waddanka iyo ardayda Soomaaliyeed ee ay deeqaha waxbarasho dalkooda ugu qaadaan.

“ Wuxuu la hadlay arday kala duwan, wuxuu u sheegay sida ay dowladda Turkigu albaabada ugu fureen ardayda Soomaaliyeed oo ay diyaar ugu yihiin inay takhasusyada ay u baahan yihiin ay ku sameeyaan waddanka Turkiga, taas oo ah mashruuc socda oo ay Turkigu horay u fureen, walina ay sii xoojinayaan. Annaga SIMAD ahaan waxaan tusnay qalabkii ay noogu deeqeen oo shaqeynaya, waana soo dhaweyneynaa” ayuu yiri guddoomiye Daahir Carab.

Dowladda Turkiga ayaa si joogto ah teegeero qalab iyo mid farsamo u siisa jaamacadaha ku yaalla waddanka. Sanadkii hore dalladda SomaliREN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado ku yaalla gobollada dalka iyo machadyo ayay dowladda Turkigu siisay matoorro dabka dhaliya iyo kombuyuutarro.

IMG_1754 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? IMG_1825 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? IMG_1912 ???????????????????????????????

15 16 17

Previous Post

Wasiirka Difaaca iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay qalabaynta Ciidamada XDS “SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolku yeesheeen{SAWIRRO}

Next Post
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolku yeesheeen{SAWIRRO}

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolku yeesheeen{SAWIRRO}

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

August 5, 2026
0

Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey. Akhriso bayaanka 

Aqoon-is-weydaarsiga hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha oo la soo gabagabeeyay

Aqoon-is-weydaarsiga hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha oo la soo gabagabeeyay

August 5, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeysay aqoon-is-weydaarsi socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo looga...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

August 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda JFS Mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Badaha...

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Madaxda IOM oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Madaxda IOM oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac

August 5, 2026
0

Wefdi ka socda Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, isla markaana ay wehliyeen Wasiirrada Haweenka, Deegaanka &...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In