Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay qalabaynta Ciidamada XDS “SAWIRRO”

March 25, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay qalabaynta Ciidamada XDS “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, March 25, 2015..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Midowga Yurub kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka taageera dhanka tababarka Ciidamada iyo qalabayn-tooda, waxana ay ka wada hadleen dadaallada Dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, xoojinta iskaashiga labada dhinac, tababarka iyo qalabeynta ciidamada Xogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa  uga mahad celiyay taageerada ay mar waliba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraakiishu ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

“Kulankani wuxuu  ka tarjumayaa ahmiyadda ay leedahay in la horumariyo dhismaha Ciidanka qalabka sida,  Midowga Yurub waa mid kamid ah saaxiibada Soomaaliya ee xili adag isu taagay in ay gacan qabtaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

“Isku-dhafka ciidamada waa mid ka mid ah waxyaalaha mudnaanta sare noo leh, waxanuna natiijo wax-ku-ool ah ka keenaynaa laba iyo tobanka bilood ee soo socda. Waxaad sidoo kale arkaysaan aragtida dhexe iyo tan fog ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaa muhiim ah in aynaan isha ka qabsan taageerada ballaaran ee loo baahan yahay,  Dowladda Soomaaliya mar walba waxay xoogga saareysaa in la helo ciidan awood leh oo hanan kara dalka oo dhan”.

Ugu danbeyn, Saraakiisha ka socotay Midowga Yurub ayaa ballan qaadan in ay kordhin doonaan tababarada ay siiyaan ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay gacan buuxda ka siin doonaan dowladda in ay helaan ciidamaddu agabkii ay ku howlgali lahaayeen.

——DHAMMAAD——–

1 2 3 4 5

Previous Post

Isbadallo dhanka horumarka ah oo ka jirta Beladweyne

Next Post

Safiirka Turkiga oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Next Post
Safiirka Turkiga  oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Safiirka Turkiga oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In