Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Umadda oo Norway oga qayb galay kulan Jaamacadda lagu taageerayay ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Umadda oo Norway oga qayb galay kulan Jaamacadda lagu taageerayay ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan aqooneedkaan oo ay kasoo qaybgaleen, aqoonyahan, indheergarad iyo mas’uuliyiinta xoogaga u dhaq-dhaqaaqa adeega bulshada ee jaaliyada Norway ayaa ahaa mid lagu lafagurayey hanaanka tacliinta sare ee gayiga Soomaaliya xiligan, iyo gaar ahaan kaalinta udub-dhexaadka ee ay qaadan karto Jaamacadda Umadda oo iyadu dib ugu holwgashey afar sanno ka hor.

Prof. Aaden Guuleed Shabeel, gudoomiye ku xigeenka arimaha akdeemiyadda iyo cilmi baarista ee Jaamacadda Umadda oo warbixin qiiro ka jeediyey kulan cilmiyeedkaas ayaa soo bandhigey sharaxaad balaaran oo la xiriirta qaabkii ay dib ugu howlgashey Jaamacadda Umadda oo runtii u ekaa markii la dhageystey warbixintiisa wax la mid ah mucjiso.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Shabeel ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay biyo kama dhibcaanka u tahey in guntiga dhiisha laysiga dhigo, loona mideeyo xooga wadaniga ah, si taageero hil iyo hoo leh loola garab istaago Jaamacadda Umadda oo iyadu ah hanti iyo dhaxal Soomaali wada leedahey.

Gudoomiye Shabeel ayaa intii uu socdey kulan aqooneedkaas soo bandhigey Docment iyo macluumaad daaha ka rogeytey howsha wax ku oolka ah ee u qabsoontey Jaamacadda xiligii aadka u yaraa ee ay dib u furantey, iyadoon waliba taageero ka helin meelo kale, waxeyna soo ifbixisey sida ay suuro galka u tahey in isku tashigu u yahey jidka kaliya ee u horseedi kara bulshada Soomaaliyeed dib u soo kabasho dhab ah.

Aqoonyahanka Iyo ildheer garadka jaaliyadda reer Norway ee kulan aqooneedkaad kasoo qayb galey ayaa iyaguna waxey cadeeyeen sida ay raaliga uga yihiin uguna khushuucsanyihiin howsha geesinimada leh ee Prof.. Aaden Guuleed Shabeel iyo saaxiibadii ay dhiiradeen, kagana miro dhaliyeen howsha dib usoo nooleeynta Jaamacadda Umadda ee Soomaaliyeed.

Hogaamiyayaasha jaaliyadda iyo aqoonyahanka ayaa intii uu kulan aqooneedkaas socdey soo jeediyey hababka ugu haboon ee lagu taageeri karo Jaamacadda iyo guud ahaan, dhaq-dhaqaaqyada tacliinta dalka.

Dr. C/rashiid Cali Warsame iyo Dr. Geelle oo ah laba cilmi baare oo ka tirsan Jaamacadda Oslo, isla markaasna iyagu qayb ka ahaan aqoonyahan badan oo ka gayb galey shir cilmiyeed ay Jaamacadda Umaddu ku qabatey caasimadda Muqdisho bishii Luuliyo ee sanadkaan ayaa qirey howsha lagu taaban karo ee ay ku mashquulsanyihiin kooxda Dib u aas asayaasha Jaamacadda Umadda, waxeyna cabireen dareen niyad wanaag ku dhisanyahey ee ay ka qabaan qaabka tacliineed ee dalka marka la barnardhiggo burburkii aadka u balaarnaa ee dalka ka dhacey.

Guud ahaan kulan aqooneedkii xaley ee magaalada Oslo oo ahaa mid lagu taageerayey Jaamacadda Umadda ayaa ahaa mid dhiig cusub galiyey hanka jaaliyadda dalka Norway sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u yagleelka hanaanka waxbarasho ee dalka si loo badbaadiyo jiilasha Soomaaliyeed ee dayacan.

4 3 2 1

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In