Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Umadda oo Norway oga qayb galay kulan Jaamacadda lagu taageerayay ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 13, 2016
in Wararka
0
Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Umadda oo Norway oga qayb galay kulan Jaamacadda lagu taageerayay ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan aqooneedkaan oo ay kasoo qaybgaleen, aqoonyahan, indheergarad iyo mas’uuliyiinta xoogaga u dhaq-dhaqaaqa adeega bulshada ee jaaliyada Norway ayaa ahaa mid lagu lafagurayey hanaanka tacliinta sare ee gayiga Soomaaliya xiligan, iyo gaar ahaan kaalinta udub-dhexaadka ee ay qaadan karto Jaamacadda Umadda oo iyadu dib ugu holwgashey afar sanno ka hor.

Prof. Aaden Guuleed Shabeel, gudoomiye ku xigeenka arimaha akdeemiyadda iyo cilmi baarista ee Jaamacadda Umadda oo warbixin qiiro ka jeediyey kulan cilmiyeedkaas ayaa soo bandhigey sharaxaad balaaran oo la xiriirta qaabkii ay dib ugu howlgashey Jaamacadda Umadda oo runtii u ekaa markii la dhageystey warbixintiisa wax la mid ah mucjiso.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Mudane Shabeel ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay biyo kama dhibcaanka u tahey in guntiga dhiisha laysiga dhigo, loona mideeyo xooga wadaniga ah, si taageero hil iyo hoo leh loola garab istaago Jaamacadda Umadda oo iyadu ah hanti iyo dhaxal Soomaali wada leedahey.

Gudoomiye Shabeel ayaa intii uu socdey kulan aqooneedkaas soo bandhigey Docment iyo macluumaad daaha ka rogeytey howsha wax ku oolka ah ee u qabsoontey Jaamacadda xiligii aadka u yaraa ee ay dib u furantey, iyadoon waliba taageero ka helin meelo kale, waxeyna soo ifbixisey sida ay suuro galka u tahey in isku tashigu u yahey jidka kaliya ee u horseedi kara bulshada Soomaaliyeed dib u soo kabasho dhab ah.

Aqoonyahanka Iyo ildheer garadka jaaliyadda reer Norway ee kulan aqooneedkaad kasoo qayb galey ayaa iyaguna waxey cadeeyeen sida ay raaliga uga yihiin uguna khushuucsanyihiin howsha geesinimada leh ee Prof.. Aaden Guuleed Shabeel iyo saaxiibadii ay dhiiradeen, kagana miro dhaliyeen howsha dib usoo nooleeynta Jaamacadda Umadda ee Soomaaliyeed.

Hogaamiyayaasha jaaliyadda iyo aqoonyahanka ayaa intii uu kulan aqooneedkaas socdey soo jeediyey hababka ugu haboon ee lagu taageeri karo Jaamacadda iyo guud ahaan, dhaq-dhaqaaqyada tacliinta dalka.

Dr. C/rashiid Cali Warsame iyo Dr. Geelle oo ah laba cilmi baare oo ka tirsan Jaamacadda Oslo, isla markaasna iyagu qayb ka ahaan aqoonyahan badan oo ka gayb galey shir cilmiyeed ay Jaamacadda Umaddu ku qabatey caasimadda Muqdisho bishii Luuliyo ee sanadkaan ayaa qirey howsha lagu taaban karo ee ay ku mashquulsanyihiin kooxda Dib u aas asayaasha Jaamacadda Umadda, waxeyna cabireen dareen niyad wanaag ku dhisanyahey ee ay ka qabaan qaabka tacliineed ee dalka marka la barnardhiggo burburkii aadka u balaarnaa ee dalka ka dhacey.

Guud ahaan kulan aqooneedkii xaley ee magaalada Oslo oo ahaa mid lagu taageerayey Jaamacadda Umadda ayaa ahaa mid dhiig cusub galiyey hanka jaaliyadda dalka Norway sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u yagleelka hanaanka waxbarasho ee dalka si loo badbaadiyo jiilasha Soomaaliyeed ee dayacan.

4 3 2 1

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In